Cidina uma maqna ceelna uma qodna
Walaalka akhriyaya maqaalkanow, maahmaahda Soomaaliyeed ee odhanaysa “Cidina uma maqna Ceelna uma qodna” waxaa laga fahmayaa in dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Buuhoodle adiga ku sugayo, una baahan yahay in aad wixii aad awoodo ugu deeqdo si uu u noqon garoon diyaaradaha waawayn iyo kuwa yaryar ba ka soo degaan, kana duulaan.
Walaal Xoolaha Ilaahay (SWT) ku siiyey, haddii aad ku bixiso wax kheyr ah oo dalkaaga aad ku horumarinayso, waxaa Ilaahay (SWT) kaa siinayaa ajar iyo xasanaad Insha Allaah.
Garoonkan diyaaradaha ee Buuhoodle haddii dhismihiisu dhammaado waxaa la arkaa in uu horumar wayn keeno oo Ilaahay (SWT) kumaankun qof ka quudiyo.
Sidaas awgeed maanta ayuu taagan yahay dhismihiisii, maanta ka qaybqaado, waxba dib ha u dhigin kaalmadaada, degdeg ula xiriir wakiilada garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle ee kala jooga dunida dacaleeda.
La xiriira:
1. Xasan Faarax Baad, Buuhoodle, Somalia. tel.25224972593 ama 25224970312
2. Saynab Xaaji Cali, Leicester, UK
3. Aamina Ahmed Ismail Mire, London, UK.
Ka qaybqaado dhismaha Buhodle Airport
Ilaahay (SWT) ayaa Mahad oo dhan u sugnaatay inoo sahlay in aynu bilawno oo haddana dhamayno garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle. Waxaa iyana mahad balaandhan iyo hambalyo loo dirayaa halyeyadii fekeray ee bilaabay dhismaha garoonka, iyadoo uu u horeeyo Xasan Faarax Baad. Xasan wuxuu ahaa ninkii lahaa fekerka haddana bilaabay dhismihiisa, waxaase ku caawiyey reer Buuhoodle oo aan u kala hadhin iyo Qurbo-joogta Soomaaliyeed gaar ahaan dadka ka soo jeedaa gobolada SSC.
.
Buhodle Airport waxaa iska leh ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nool yihiin. Wuxuu la mid yahay Airport-yada magaalooyinka kale ee Soomaaliyeed sida Muqdisho, Hargaysa, Bosaso iyo Gaalkacyo. Waxaa ka duuli kara qofkii doona, waxaa ka soo degi kara qofkii doona
Maadaama la wada leeyahay waxaanu soo jeedinaynaa in aynu ka wada qaybqaadano dhismihiisa si uu inoogu noqdo Airport ina anfaca oo diyaaradaha waawayn ka soo degaan.
